Guddoomiye ku xigeenka golaha hoose ee Nyandarua oo lagu ganaaxay 400 oo kun

0
447

Saddex sarkaal oo ka tirsan golaha hoose ee dowlad deegaanka Nyandarua ee gobolka bartamaha dalka uuna ka mid yahay ku xigeenka guddoomiyaha golahaasi ayaa lagu helay danbi ah inay dafireen amar maxkamadeed.
Ku xigeenka afhayeenka golaha hoose ee Nyandarua Zachary Njeru, hoggaamiyaha aqlabiyada golahaasi Edinald King’ori iyo sii hayaha xilka karaaniga golahaas Elizabeth Muthui ayaa lagu helay dambi ah inay jabiyeen amarkii maxkamadda ee ahaa inay guddoomiyaha golaha Nyandarua ,Ndegwa Wahome u oggoladaan inuu xafiiskiisa galo, dibna ugu soo celiyaan gaarigiisa sharciga ah iyo agab kale oo goluhu lahaa.
Garsoore Hillary Chamitei ayaa saddexdaan mas’uul ku xukumay min 400 oo kun oo ganaax lacageed ah ama inay labo bilood xabsiga ku jiraan.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Nyandarua Benson Leparmorijo iyo taliyaha ciidanka booliska ee dowlad deegaankaasi Zachary Kimani ayaa sidoo kale kiiskan qayb ka ah.
Garsoore Chemitei ayaa guddoomiyaha iyo taliyaha booliska ku amray inay 48 saacadood gudahood ay hubiyaan in Mr. Wahome xafiiska loo furo, in baabuurkiisi dib loogu celiyo sidoo kalena la soo celiyo agab laga qaaday xarunta si uu guddoomiyaha howlihiisa u guto.
Wahome waxaa xil ka qaadis horay ugu sameeyay qaar ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nyandarua balse maxkamadda sare ayaa qaadacday tallaabadaasi.