Kenya iyo qaramada midoobay oo codsaday 15 bilyan oo lagula tacaalaya abaarta

0
375

Dowladda Kenya iyo qaramada midoobay ayaa si rasmi ah u codsaday in lagu taageero dhaqaale gaaraya 139.5 milyan oo doolar una dhiganta 15 bilyan oo shilin si wax looga qabto saameynta abaarta.
Dhaqaalahan ayaa hadii la helo waxaa gargaar loogu fidin doonaa 1.3 milyan oo qof oo ay dhibaatadan si gaar ah u saameysay.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa shaaciyay in maamulka Jubilee uu dhaqangelin doono tallaabooyin lagu yareynaya culeyska ka dhashay abaarta.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasaaradda maaliyadda ee dalka ay sheegtay inay soo saartay 2 bilyan oo shilin oo loogu talagalay abaarta.