Xooggaga Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa kulaalaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug maalin uun ka dib markii ay gacanta ku dhigeen magaalada Guriceel ee isla gobolka Galgaduud.
Dadka degan deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 km u jira magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay deegaanka ku arkeen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu-Sunna oo wata gaadiidka dagaalka.
Lama soo werin wax iska hor’imaad ah oo ka dhacay deegaanka maadaama ciidamada dawladdu ay horey uga baxeen, kuwa Ahlu-Sunnana ay si nabada ku galeen Ceeldheere.
Xiisadda gobolka ka taagan ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo khamiistii markaasoo dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray ciidamada dawladda iyo kuwa Ahlu-Sunna deegaanka Bohol oo isna ku dhaw Dhuusamareeb.
Home Wararka Soomaaliya Ahlu-Sunna oo kusii dhaawaneyso Dhuusamareeb, xilli ay la wareegeen deegaanka Ceeldheere