Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamarreeb ee Caasimadda Galmudug, iyadaoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga oo ka yimid dhinaca Magaalada Kismaayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulkaasi.
Sidoo kale waxaa isna Magaalada Dhuusamareeb Maanta gaaray Gudoomiyaha Gobollka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish.