Dowladda oo dardargelinaysa tallaalka COVID-19

0
284

Wasaaradda caafimaadka ee dalkani Kenya ayaa sare u qaaday bixinta tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Dadweynaha ayaa lagu boorriyay inay qaataan dawooyinka tallaalka si wadanka dib la isugu furo.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in muddo saddex bilood gudahood ah ay bartilmaameedsanayaan in caabuqa corona laga tallaalo 10 milyan oo qof.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ugu dambeyn 20-ka bisha tobnaad ee sanadkan tallaalka la siiyo 5.8 milyan oo Kenyaan ah.
Mr. Kagwe ayaa ololaha tallaalka ee la dardargelinaya ku daahfuray ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka.