Dadweynaha ku nool ismaamulka Turkana ayaa lagu soo warramayaa inay billaabeen inay u gudbaan dhanka wadanka Kenya dariska la ah ee Uganda.
Shacabka ayaa raadsanaya cunno maadaama dowlad deegaankaasi uu ka mid yahay meelaha ay sida wayn u saameysay abaarta.
Xoolo dhaqatada u wareegay dhanka Uganda ayaa ka soo jeedo bariga iyo galbeedka ismaamulkaasi.
Dowladda dhexe iyo hay’adaha gargaarka ayaa loogu baaqay inay gurmad u fidiyaan in ka badan 100,000 oo qof oo macluul ku wajahaya Turkana.
Tallaabada ay ku dhaqaqeen xoolo dhaqatada ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay waxbarashada maadaama ardayda ay raacayaan qoysaska halkaasi ka guuraya.
Qaar ka mid ah bulshada ismaamulka Turkana oo arrinkan ka hadlay ayaa yiri.