Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa kenyaanka ugu baaqay in aan lagu khiyaanin xeeladda siyaasadeed ee ku saleysan in la garab istaago danyarta.
Waxaa uu dadweynaha ku boorriyay inay dadaalaan si ay u helaan qutul maalmeedkooda.
Hoggaamiyaha ANC ayaa tilmaamay in saboolnimada oo wax wanaagsan laga dhigo si loo haleelo hiigsi siyaasadeed aysan marnaba wadanka horumar gaarsiin karin.
Mudavadi ayaa sheegay in la joogo xilligii hoggaamiyaasha ay dib u eegis ku sameyn lahayeen ajeendayaashooda horumarineed maadaama boqolkiiba 70 ee tirada dadweynaha ay yihiin dhallinyaro intooda badan shaqo la’aan ah.