Wasiirka Amniga ee uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare Rooble, balse uu madaxweynaha diiday Cabadulahi Maxamad Nuur ayaa cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay Barta Koontarool ee Madaxtooyada laga ilaaliyo ee Magaalada Muqdisho.
Mr. Cabdulahi ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay qaraxaasi isaga oo caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.
Waxaa uu ugu baaqay shacabka inay laamaha ammaanka gacan ka siiyaan cadowga u soo tafaxeytay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri wasiirka amniga.
Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay 8 qof.
Waxaana mas’uuliyadda qaraxaasi sheegatay kooxda Al-Shabaab.
Home Wararka Soomaaliya Wasiirka amniga ee u magacaabay rw Rooble oo cambaareeyay qaraxii maanta ee...