Faahfaahin: Qarax ka dhacay waddada aadda madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho

0
441

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidamin ah oo daqiiqado ka hor ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta Irida laga galo Madaxtooyada Soomaaliya ee caasimadda Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid xoogggan waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiray Askar iyo Shacab, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay ay ahayd meel inta badan ay ku hakadaan gawaarida ka hor inta aysan galin madaxtooyada si loo hubiyo.
Waxyeelo ayaa sidoo kale soo gaartay dad la socday iyo kuwo saarnaa Mootooyinka loo yaqaano Bajaajka oo waddada marayay.
Laamaha Ammaanka iyo Kooxaha gurmadka degdeg ah ayaa goobta tagay, waxa ay halkaasi ka qaadeen dhaawacyada dadkii ay waxyeelada soo gaartay sidoo kalena waxa ay damiyeen dab ka kacay gaadiid qaraxa uu qabsaday.