Ruto “BBI khatar ayay ku ahayd dalka ee raaligelin ha laga bixiyo”

0
434

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa tilmaamay in qorshihii sharci beddelka ee BBI uu ahaa howshii ugu halista badneyd oo dowladdu fulisay islamarkaana la doonayay in lagu waxyeeleeyo xeerarka wadanka u degsan.
Waxaa uu sheegay in shakhsiyaadkii u ololeynayay BBI ay tahay inay raali geliyaan Kenyaanka.
Dr. Ruto ayaa xusay in hoggaamiyaasha ay tahay inay joojiyaan beenta ay u sheegayaan qaranka taas oo ah in BBI ay ahayd waddada kaliya ee lagu kordhin karo kheyraadka ismaamullada dalka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in taageerayaasha BBI ay tahay inay soo jeedintooda ku saabsan kheyraadka dheeraadka ah u gudbiyaan golaha qaran ee xeer dejinta haddii ay run tahay si aan loogu baahan in wax laga beddelo dastuurka.
“Dowlad deegannada weli waxaa la siin karaa dhaqaale dheeraad ah iyada oo loo marayo baarlamaanka islamarkaana aan loo baahneeyn hindise sharci beddel ah” ayuu yiri William Ruto.
Waxaa uu sharraxay in xitaa soo kordhinta deegaano dheeri ah ay suurtogal tahay iyadoo aan la marin dariiqa aan loo baahnayn ee kharash badan ku baxaya oo uu ula jeedo wax ka beddelka dastuurka.
Ku xigeenka madaxeynaha dalka William Ruto ayaa xusay in haddii dadweynaha ay u baahnaan lahaayeen deegaano dheeraad ah, guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa ogaan lahaa.
William Ruto ayaa sheegay in la joogo wakhtigii dalka laga ilaalin lahaa khiyaano aan loo meel dayin oo ka timaadda hoggaamiyayaasha qaar si ay u helaan dhibco siyaasadeed ka dib markii ay ku guuldareysteen inay kenyaanka ku qanciyaan qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa tilmaamay in qorshaha sharci beddelka ee BBI uu carqaladeeyay hirgelinta qorshayaashii horumarineed ee maamulka Jubilee oo sida uu hadalka u dhigay malaayiin dhallinyaro ah u abuuri lahaa shaqooyin iyadoo cid kasta ay dhanka kale helayso daryeel caafimaad oo qiimo ahaan la awoodi karo.
William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in kastoo kheyraad badan loo adeegsaday qorshaha BBI haddana aynan jirin qaab loogu guulaysan karo.
Xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu Kimani Ichung’wah oo ka mid ah xulafada siyaasadeed ee Ruto ayaa dhankiisa sheegay in BBI aynan wax faa’iido ah ugu jirin dalka.
Ruto ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu hoygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda diimaha ee ismaamulka Makueni.