Magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmuug waxaa ka socanaya Qaban qaabada iyo diyaar garowga Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo madaxweynaha Jamhuuriyadu Iclaamiyay maalin ka hor.
Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda dhexe ee Federaalka.
Shacabka iyo Maamulka Galmudug oo isku duuban ayaa u diyaar garoobay sidiii shirkaas si habsami ah ugu dhici lahaa magaalada mudada sadexda Cishe ah ee loo qorsheeyay.
Shirkan wadatashiga ah oo socon doona inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021 ayaa waxaa intiisa badan saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaasi dhawaan iclaamiyay, kadib kulan uu Xarunta Madaxtooyada kula qaatay wakiilo ka socday Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.
Shirkaan oo maanta qorshuhu yahay inuu ka furmo Magaalada dhuusamareeb ayaa looga hadlayaa muranka Hareeyay doorashooyinka,waxaana ugu horeeyay oo Maanta Gaaray magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Maxmed Xasan Laftagareen.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay inay diyaar u yihiin Martigalinta madashaan wadatashiga ah.
Wasiirka oo warbaahinta Gudaha la hadlay ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay jecel yihiin islamarkaana aad u danaynayaan in shirkaasi furmo oo ay Martigaliyaan.
Waxaa uu intaas ku daray in Magaalada Dhuusamareeb uu kajiro amni la isku haleen karo,Ciidamada Amniga ee dowladda dhexe & kuwa Galmudugna ay si wyen u xaqiijinayaan Amniga Magaalada.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ay tagaan wafdiyo horudhac u ah Madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada.
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa dhankooda waxay Codsadeen in shirkaas laga qaybgaliyo.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda ah ayaa dhankooda waxay argtidooda ka dhiibteen shirka madaxda dowlada dhexe iyo Hoggaamiyeyaasha Maamullada lagu wado inuu uga furmo Magaalada Dhuusamareeb.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Qaban qaabada furitaanka shirkii madaxweynuhu iclaamiyay oo Dhuusamareeb ka socda