Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furay Xarunta Isku-duwidda Hawlgallada Wadajirka ah si loo xoojiyo dadaallada socda ee lagu wiiqayo awooda Al-Shabaab laguna dejinayo xasilinta Soomaaliya.
Xaruntan oo laga hirgaliyay waaxda AMISOM ee Xerada Xalane, ayaa si rasmi ah looga daahfuray xaflad ay ka qeyb galeen taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ee qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha, Maj.Gen.William Kitsao Shume .
Xaruntan oo ay si wadajir ah u maamulayaan saraakiisha ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM, ayaa sare u qaadi doonta qorsheynta iyo isku dubaridka howlgallada milateri ee al-shabaab ka dhanka ah.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen Odowaa, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya SNA iyo AMISOM si loo socodsiiyo xarumaha laga hirgeliyay dhammaan goobaha AMISOM ay mas’uulka ka tahay.
Xarunta Muqdisho waa mid ka mid ah lix xarumood, oo dhowaan laga hirgaliyay dalka oo dhan iyadoo la tixraacayo talooyinkii Shirkii Taliyayaasha Qeybaha, oo la qabtay horaantii sanadkan.
Gen. Odowaa ayaa sheegay in AMISOM iyo SNA ay sameysteen xiriir shaqo oo wanaagsan sanadihii la soo dhaafay, isagoo xusay in waayo -aragnimada noocaas ah ee ay wadaagaan labada ciidan ay awood u siin doonto inay hagaajiyaan xaruntaan.
Ka hor inta aan la bilaabin munaasadda furitaanka xarunta, Gen. Odowaa wuxuu kormeeray ilaalada gaarka ah ciidamada AMISOM, wuxuuna markii dambe ka qeyb galay kulan amniga looga hadlayay oo albaabadu u xirnaayeen.
Dhankiisa, Maj. Gen. Wiliam, ayaa sheegay in daahfurka xaruntaan ay muhiim u leedahay xaqiijinta hadaf la wada leeyahay oo ah in dalka oo dhan laga helo xarumo si buuxda u shaqeeya.
Taliyaha Qaybta Koowaad ee AMISOM ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo qorsheeyo, isagoo xusay in hirgelinta xaruntaan iyo dhowr kale oo dalka oo dhan ah, ay gacan ka geysan doonaan sidii wax looga qaban lahaa qaar ka mid ah caqabadaha ay la kulmaan labada ciidan.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxaay dagaal adag kua jiraan Al-Shabaab, iyagoo fuliya howlgallo Wadajir ah wallow sanadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaliya ay badi howlgallada fulinayeen.