Waxaa la filayaa inay maanta maxkamadda go’aan ka soo saarto codsi racfaan ah oo ay gudbiyeen 6 ka mid ah ciidamada ammaanka ee wadanka oo loo haysto inay labo wiil ku dileen ismaamulka Embu.
Wiilashan oo walaalo ahaa ayaa meydadkooda laga helay xaafadda Kianjokoma ee dowlad deegaankaas ka dib markii ay gacanta ku dhigeen booliska.
Eedeysanayaasha ayaa iska fogeeyay dacwadda lagu soo oogay ee ah inay dil gaysteen waxayna maxkamadda u sheegeen in labada wiil ay iska tureen baabuur si xowli ah u socday maadaama la qabtay iyagoo aan u hoggaansamayn amarka bandowga habeenkii.
Saraakiisha booliska ee kiiskan loo haysto ayaa kala ah Benson Mbuthia, Consolata Kariuki ,Nicholas Nicholas Sang Cheruiyot, Martin Msamali Wanyama, Lilian Cherono Chemuna iyo James Mwaniki .
Sidoo kale maxkamadda sare ayaa horay u diiday codsi ay gudbiyeen oo ay ku doonayeen in la soo saaro meydadka wiilasha si qallin baaritaan ah loogu sameeyo oo loo xaqiijiyo sababta dhabta ah ee keentay inay geeriyoodaan.