DHAGEYSO:Dowlada Soomaliya oo si rasmi ah ula wareegta Hay’adaha FSNAU iyo SWALIM

0
472

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay kulan ay hay’ada istatiisikada qaranku kula wareegaysay hay’da FSNAU oo ka shaqaysa sugnaanta cuntada iyo waxka qabashada nafaqa darada iyo hay’ada kale ee SWALIM oo ah hay’ada aruurisa xogaha biyaha dhulka Soomaaliya.
Kulankaan ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka kala socday dowlada Soomaaliya iyo hay’ada FAO oo labadaan hay’adood ay hoos tagaan waxayna sheegeen inay waxyaabo badan soo qabteen mudadii ay Soomaaliya ka howlgalayeen.
Agaasimaha guud ee hay’ada istatiisikada qaranka Soomaaliya ayaa sheegay inay waxbadan maanta kadib iska badali doonaan.

Wasiirada beeraha iyo qorshaynta dowlada Soomaaliya ayaa dhankooda ka hadlay muhiimada ay wadanka iyo xogaha laga baahsho u leedahay la wareegitaanka labadaan hay’adood.