NCIC oo soo dhawaysay dhexdhexaadinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

0
404

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa bogaadiyay wada hadallada dhexdhexaadinta ah ee looga gol-leeyahay in lagu xalliyo kala duwanaanshaha u dhexeeya madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.
Guddoomiyaha guddiga NCIC Samuel Kobia ayaa sheegay in guddigu uu wada hadal kula jiro madaxda kaniisadaha Kaatooligga uuna soo bandhigay inay xal u raadiyaan khilaafka u dhexeeya labada hoggaamiye ee dalka ugu sarraysa.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa la rumaysan yahay inuu khilaaf soo kala dhexgalay tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii xilligaas oo madaxweynuhu gacan qaaday hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga kadib doorashadii 2017-kii ee si wayn loogu kala qaybsamay.
Ruto ayaa mar danbe madaxweynaha ku eedeeyay inuu la shaqaynayo Mr. Odinga si uu isagu uga haro loolanka doorashada guud ee 2022-ka gaar ahaan markii ay labadaan hoggaamiye billaabeen hindise sharciyeedka dastuurka dalka wax looga badalayo ee BBI oo ay maxkamaddu laashay.
Xili uu warbaahinta la hadlayay ayuu guddoomiyaha NCIC wuxuu sheegay in waajibaadka guddiga ay ka mid tahay inay xoogga saaraan sidii ay u heshiisiin lahaayeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa maadaama ay saameyn ku yeelan karto wada jirka shacabka dalka.
Arrintan ayaa imaanaysa kadib markii kulan ay yeesheen hoggaamiyeyaasha kaniisadaha Katooliga ee Kenya (KCCB) lagu soo bandhigay inay wadaan qorshe lagu heshiisiinayo Uhuru iyo Ruto ayagoo sheegay inuu khilaafkoodu abuurayo walwal la xiriira rabshado siyaasadeed oo dalka ka dhaca.
Durbadiiba madaxweyne ku xigeenka dalka Wiliam Ruto ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta madaxda kaniisadaha ee ku aaddan xal u raadinta khilaafka kala dhexeya madaxweynaha.
Mr. Ruto wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay wada hadallada oo uusan wax shuruud ah ku xirayn maadaama madaxweyne Kenyatta uu madaxweynihiisa yahay shacabkuna ay wada doorteen.
Iyadoo ay 11 bilood ka harsan tahay doorashadA guud ee dalka ka dhacaysa sanadka 2022-ka ayay gudDiga qaran ee isdhexgalka iyo midaynta shacabka ee NCIC walaac ka muujinayaan waxa ay ugu yeereen dulqaad la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirta.
NCIC ayaa tusaale u soo qaadatay dhacdo dhawaan lagu dhagaxeeyay Jimmy Wanjigi oo ah musharrax madaxweyne xilli uu ku sugnaa ismaamulka Migori iyadoo sidoo kale la weereray taagerayaashiisa.
Marka la eego kiisaskii ugu dambeeyay ee uu guddiga NCIC ku tilmaamay dulqaad la’aan siyaasadeed waxay sheegeen inay si dhow ula shaqaynayaan xafiiska Agaasimaha guud ee waaxda dacwad soo oogida si loo xakameeyo dhacdooyinkan.