Hogaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi oo dhaliilo u jeedinayay siyaasiinta gobolka bartamaha dalka ayaa ka digay hadalada nacaybka ku salaysan wuxuuna sheegay inuu aad uga walwalsan yahay kuwo uu sheegay inay garaacayaan durbaanka nacaybka siyaasadeed isagoo xusay in loo baahan in la hubiyo lagana hortago intii aysan dhibaato horseedin.
Hogaamiyaha Xisbiga ANC ayaa shacabka ku booriyay inay doortaan hogaamiyeyaasha daacada ah oo qaranka ugu adeegaya sida ugu haboon ayna isla markaana ay iska ilaaliyaan inay doortaan siyaasiin uu sheegay inay yihiin kuwa gaajaysan oo xukunka danahooda gaarka ah ku fushanaya.
Mudavadi oo axadii maalinkii labaad ku sugnaa dowlad deegaanka Meru ayaa ku dadaalaya inuu saamayn ku yeesho gobolka Mount Kenya maadaama uu halkaas ka sii wado ololihiisa madaxweynenimo.
Isagoo ku sugnaa Kaniisat ku taal deegaan baarlamaaneedka waqooyga Imenti ayuu dhaleecayn u jeediyay shaqsiyaad uu ku
Mudavadi ayaa ugu baaqayn siyaasiinta inay iis xakaneeyaan ayna ka fiirsadaan kicinta xaalado siyaasadeed oo dalka dhibaatooyin u horseeda.
Xiisadaha siyaasadeed ee kacsan ayuu ka digay inay wax u dhimayaan cobixiyeyaasha marka la gaadho maalinka ay doorashadu dhacayso taasoo keenaysa inay dadweynuhu sida haboon u codeeyaan.
Hogaamiyaha ANC Musalia Mudavadi ayaa u muuqday inuu qorshihiisa siyaasadeed ee dhanka dhaqaalaha ku saleeyay gobolkaan beeraha hodanka ku ah si uu u soo iido maskaxda dadka deegaankaas.
Hogaamiyaha ANC ayaa sii xoojiyay ololihiisa gobolka MT Kenya halkaasoo uu sheegay inay u badan tahay inuu ka soo xusho ku xigeenkiisa haduu ku guulaysto doorashada sanadka danbe ee 2022-ka dalka ka dhici doonta.