Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa sheegay in laga billaabo berri uu shan ka mid ah dowlad deegaanada wadanka ku qaban doono kulamo wacyigelin ah oo ku saabsan nabadgalyada.
Talaadada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 21-ka bishan sagaalaad ayaa caalamka looga dabaal degi doonaa maalinka nabadda adduunka.
NCIC ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in wacyigelinta laga sameyn doono dowlad deegaanada Nairobi, Nakuru , Kisumu, Uashin Gishu gaar ahaan magaalada Eldoret iyo Moyaale oo ka tirsan Marsabit.
Waxa uu qorshuhu yahay in sidoo kale la qabto cayaaro lagu xoojinaya isdhexgalka kenyaanka.
Guddiga ayaa hoosta ka xarriiqay in ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka uu sare u qaadi doono wacyiga shacabka, adkeysigooda iyo isla xisaabtanka.