Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamad C/laahi Farmaajo & ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Maxamad Xuseen Rooble uu salka ku haayo waxyaabo sida ay u arkaan ay ka mid yihiin Dastuur oo la jabinayo, inaan Doorashada diyaar loo ahayn iyo Khilaaf soo jiitamayay oo soo laab laabtay.
Waxaa uu sheegay in khilaafyo badan oo siyaasadeed oo horay u dhacay lagu xalinayay Caasimadda Maamulka Puntland ee Magaalada Garoowe haatana uu rajeeynayo in lagu dhameeyo khilaafka madaxda sare ka dhextaagan.
Ugu dambeyn Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay inay soo dhaweeynayaan Madaxda maamul Goboleedyada kale ee dhawaan ku shiraya Magaalada Garoowe, isagoo caddeeyay in Puntland ay diyaar u tahay doorasho inay dalka ka dhacdo.
Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Maxamad Xuseen Rooble ayaa wali taagan, iyadoo dhawaan dhex-dhexaadin ay wadeen Madaxweynayaasha maamulada Galmudug & Koonfur Galbeed aysan wax natiijo ahi ka soo bixin
Home Wararka Soomaaliya Puntland oo sheegtay inay ka shaqaynayaan xallinta khilaafka madaxda sare ee Soomaaliya