Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland Maxamad Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka hadlay shirka gaarka ah ee la filayo in madaxda maamul-goboleedyada Soomaaliya ay ku yeelanayaan magaalada Garoowe.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkan uu furmi doono maalinta Talaadada uuna yahay mid ay madaxda maamul goboleedyada uga hadlaan iskaashiga dhexdooda.
Waxaa uu meesha ka saaray in diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka dalka.
Waxaa uu xusay in shirkan uu ka duwan yahay shirarkii hore, isla-markaana uu yahay mid Dastuuri ah.
“Ra’iisul wasaaraha ayaa u wici kara qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, Kan dawlad Goboleedyadu waa ka duwan yahay waana Dastuuri” ayuu yiri wasiirka.
Kulankan loo ballansan yahay ayaa ku soo beegmaya xilli khilaafka siyaasadeed ka dhex abuuray madaxda ugu sarreysa dowladda uu cirka isku sii shareerayo, waddanka uu lugaha la galay xiisad cabsi badan gelisay shacabka.
Home Wararka Soomaaliya Maxay Puntland ka tiri shirka maamul goboleedyada uu Rw Rooble ka maqnaan...