Maxay beesha Caalamka ka tiri khilaafka Farmaajo iyo Rooble?

0
500

Xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Maxamed Xussein Rooble in ay soo afjaraan khilaafka ka dhex taagan si ay horay ugu sii socoto doorashada.
“Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka waxay aad uga walaacsan yihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada” ayaa lagu yiri war kasoo baxay beesha Caalamka.
Warqada ayaa lagu sii yiri “Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin”