Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka George Magoha ayaa Jimcihaha maanta ah weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta, isagoo ku eedeeyay inay siyaasadeyeen Manhajka cusub ee loo yaqaano (CBC).
Isagoo ka hadlayay xaflad qalin -jebin ah oo ka dhacday Jaamacadda Embu, wasiirka wuxuu ku eedeeyay siyaasiyiinta inay isku dayayaan inay ka been abuurtaan CBC, iyaga og in baaritaan dhab ah lagu sameeyay ka hor inta aan la dhaqan gelin.
Prof Magoha ayaa sheegay in manhajka cusub ee CBC uu si wanaagsan ku bilowday, wuxuuna ka codsaday siyaasiyiinta inay joojiyaan faragelinta.
Arrintan ayaa ku soo aadaysaa iyada oo ay weli taagan tahay hadal haynta ka dhalatay in wasaaradda waxbarashada aynan joojin doonin dhaqangelinta manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC.