Shir goboleed ka dhacay magaalada Dushanbe ee caasimadda dalka Tajikistan ayaa waxaa uu wasiirka arrimaha dibadda ee dalka India Subrahmanyam Jaishankar uu kula kulmay dhiggisa Shiinaha Wang Yi kaas oo uu la wadaagay mowqifka dowladda India ee ku aaddan soo celinta xiriirkooda laba geesoodka ah .
Qoraalka uu wasiirku soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in labada dowladood ay hoosta ka wada xarriiqeen in arrintani ay la xiriirto soo celinta nabadda iyo xasillonida ,taas oo uu carrabaabay in ay saldhig u tahay horumarinta cilaqaadka labada dhinac.
Xiriirka labadan dowladood ayaa xumaaday tan iyo sanadkii hore ka dib markii ay ciidamada labadaasi dal uu isku hor imaad ku dhex maray soohdiinta lagu muransan yahay ee Himalaya .
Cadaawadda u dhexeysa dowladahan ayaa soo jiitamaysay tobannaan sano wallow aan ilaa iyo hadda xal waara laga gaarin.