Midowga musharrixiinta oo ku baaqay in Farmaajo iyo la taliyeyaashiisa loo aqoonsado qaswadayaal

0
342

Xubnaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay cambaareeyeen qoraalkii kasoo baxay Farmaajo ee lagu sheegay in la hakiyay awoodihii Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo sheegay in falkaas uu yahay mid dalka u horseedaya xasaarad siyaasadeed iyo qalaalase amni, islamarkaana halis gelinaya qarannimada Soomaaliya, sidoo kalena uu caddayn u yahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisa idlaaday uusan weli ka quusan damiciisii ahaa in uu helo muddo-kororsi sharci-darro ah.
Warsaxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sidoo kale ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu jebiyay Dastuurka dalka, waxaana ay soo bandhigeen Saddex qodob oo ay ku cadeeynayaan mowqifkooda qoraalkii kasoo baxay Farmaajo iyo kiiska Ikraan Tahliil, kuwaas oo kala ah.
1- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, kana been sheegay qodobbadiisa, taasoo ka marqaati kacaysa in uusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa ilaalinta Dastuurka uuna muuqdo shakhsi aan degenaansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini karin xilka ugu sarreeya ee dalka.
2- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil, garabna siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiiska,isla markaana carqaladeynayo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo labaduba ka dhacaya magaalada Muqdisho.
3-In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27-ka bishii Sanaad ee sanadkan, wiiqana awoodda Ra’iisul wasaaraha, islamarkaana awood gaar ah siiyo shabakado qarsoon oo barbar socda hawlaha ra’iisul wasaaraha kuwaasoo loo gorsheeyey in ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka.
Midowga Musharrixiinta ayaa waxaa ay sidoo kale soo saareen toddobo qodob oo badankood ay ku muujinayaan inay garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo kala ah.
1- In Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu dardargeliyo howlaha doorashooyinka, iyo caddaalad u helidda kiiska lkraan Tahliil.
2- In Golaha Wadatshiga Qaran uu shir deg-deg ah isugu yimaado si loo howlgeliyo qorshaha doorashooyinka, dalkana looga saaro xaaladda kala guurka ah iyo khalkhalka siyaasadeed.
3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday loo aqoonsado isaga iyo la taliyayaashiisa qaswadeyaal liddi ku ah xasilloonida dalka.
4- In Ciidanka Qalabka-sida ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda sida uu qabo qoddobka 127 ee Dastuurka dalka iyo heshiiskii 27-kii bishii Shanaad ee sanadkan.
5-In shacabka Soomaaliyeed, Dowlad-goboleedyada iyo beesha caalamkaba ku garab istaagaan Ra’iisul wasaaraha sidii u uu cadaalad ugu heli lahaa Kiiska Ikraan Tahliil iyo sidi degdeg loogu qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo jawi xasillooni iyo nabad leh ku dhacda.
6- In laga fogaado wax kasta oo xasarad iyo dhillo colaadeed abuuri kara, meelna looga soo wada jeeysto cid kasta oo iskudayda in ay dalka qalalaase amni ka abuurto.
7- Goluhu wuxuu markasta diyaar u yahay tallaabo kasta oo lagu xoojinaayo amniga iyo xasilloonida dalka.