Waxaa daqiiqado ka hor soo dhammaatay tirinta codadka doorashada kursiga afaraad ee caawa lagu tartamayay kuraasta Aqalka Sare Sooomaaliya ee maamul goboleedka Hirshabeelle.
Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa dib loogu doortay xilka Senatarnimo ee Aqalka Sare, ka dib markii wareeggii 3-aad ee kala baxa ahaa uu ku guuleystay 68 cod.
Musharraxa la tartamayay Raage Xasan Xuuti ayaa helay 28.
Waxaa Wareegii koowaad ku haray Maxamuud Axmad Nuur Tarsan duqii hore ee Muqdisho oo si weyn u taageera Madaxweyne Farmaajo.