Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho oo la shaaciyay

0
953

Weerarkii lagu qaaday Huteelka Afrik ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen AUN Cabdullaahi Nuure Siyaad iyo Biiriye Xaashi oo ka mid ahaa dadkii weerarka la kulmay.
Waxaa sidoo kale jira dad kale oo badan oo waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa.
Wali Kooxda hubeysan ayaa ka dagaallamaya Gudaha Huteelka, waxaana la dagaallamaya Ciidanka Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee haramcad. Sidoo kale Ururka Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afrik kaas oo sababay dhimasho & dhaawac .