Hooyo gabadheeda oo 13 Jir ah ku qasabtay inay xarig ka booda 3,000 oo jeer maalin kasta si ay u dheeraato

0
727

Gabar 13 jir ah ayaa laga helay cudur halis ah, kaas oo ay sabab u ahayd hooyadeed oo ku qasabtay in ay boodo 3,000 oo jeer maalintii.
Warbaahinta Shiinaha ayaa dhawaan baahisay kiiska gabar 13-jir ah oo ku nool magaalada Hangzhou ee Gobolka Zhejiang taas oo isbitaal la dhigay ka dib markii uu xanuun ku dhacay kaas oo sabab u ahaa markii hooyadeed ay ku qasabtay inay maalin walba xarig ka booddo 3,000 oo jeer.
Gabadhu waxay hooyadeed uga dacwootay jilib xanuun, laakiin markii hore waxaa lagu eedeeyay inay ka caajistay ayna isbitaalka geysay kadib markii astaamaheeda sii xumaadeen.
Baaritaan jireed oo ay sameeyeen Ka dib, dhaqaatiirta ayaa meesha ka saaray in dhaawaca uu yahay lafaha oo kala baxay laakiin waxay uga digeen hooyada in jimicsiga xad dhaafka ah uu sababi karo dhaawacyo halis ku ah carruurta.
Hooyadan ku nool magaalada Hangzhou ayaa dhakhaatiirta u sheegtay inay ka walwalsan tahay in gabadheeda oo lagu magacaabo Yuanyuan aysan yeelan doonin dherer ku filan, sidaa darteed ay go’aansatay inay caawiso iyada oo ku qasabtay inay xarig ka booda 3,000 oo jeer maalintii.
Gabadhan 13 jirka ah ayaa looga baahnaa inay 1000 jeer ka booda xariga subaxdii, 1,000 kale duhurkii, iyo 1,000 fiidkii ah.
Saddex bilood ka dib, bood -boodka xad -dhaafka ah ayaa sababy jilba xanuun . Hooyadeed markii hore waxay moodaysay inay caajisan tahay gabadheeda , laakiin aakhirkii waxay u gaysay dhakhtarka lafaha.
Dhakhaatiirtu waxay waalidiinta uga digeen in koritaanka ilmaha ay saameeyaan arrimo ay ka mid yihiin jimicsiga, hurdada, nafaqada, niyadda, hidde -sidayaasha, iwm, iyo in jimicsiga kaligiis uusan door muhiim ah ciyaari karin.