Qandaraaslihii gacanta ku hayay dhismihii ku dumay Kisumu oo la xiray

0
486

Booliska ismaamulka Kisumu ayaa soo xiray qandaraslihii dhisayay dhismihii labada dabaq ka koobnaa ee halkaasi ku dumay ee sababay dhimashada saddex qof.
Dhacdadan ayaa Isniintii laga soo tabiyay xaafadda Mamboleo ee ismaamulka kisumu .
Qandaraaslaha la qabtay ayaa lagu magacaabaa Gilbert Aono waxaana lagu xiray saldhigga booliska ee Kondele.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maanta la filayo in Gilbert maxkamadda la soo taago.
Milkiilaha dhismahaasi ayaa weli baxsad ah isagoo loo haysto dambi ah in uu iska dhaga tiray amar ka soo baxay maamulka qaran ee dhismaha ee lagu magacaabo NCA waxaana wali ku daba jiro laamaha ammaanka
Saddexda qof ee ku dhintay burburka ayaa lagu kala magacaabi jiray Victor Odhiambo oo 29 sano jir ah, Florence Odhiambo oo 25 jir ah iyo Beatrice Awuor oo da’deedu lagu sheegay 30.