Wasaaradda caafimaadka oo COVID19 ka tallaashay in ka badan 300,000 oo macallimiin ah

0
277

Dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 siisay barayaal ay tiradoodu tahay ugu yaraan 350,000.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in tallaalka ay qaataan ilaa 330,000 oo ah macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada dowladda.
Hasa ahaate madaxa barnaamijka qaybinta tallaalka COVID19 ee dalka Dr. Willis Akhwale ayaa sheegay inay tiro dheeraad ah tallaalka ka faa’iideysteen.
Wuxuu intaa ku daray inay u gudbi doonaan barayaasha dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay.
Sidoo kale waxaa la kordhiyay tirada la bartilmaameedsanaya oo hadda laga dhigay ilaa 480,000 oo macallimiin ah.