Maanta ayaa lagu wadaa in Xildhibaannada Baarmaanka maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ay doortaan Xubno kamid ah Xildhibaannada Hir-Shabeelle ku matala Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Shalay 27 musharax oo ku tartamaya 8 kursi oo yaala deegaanada maamulka Hirshabeelle ayaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle u jeediyay khudbadahooda musharaxnimo, iyagoo soo bandhigay waxyaabaha uu qof walba qaban doono hadii uu guuleysto.
Saddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hir-Shabeelle ayaa doorashadoodu tahay mid xiiso gaar ah leh, waxaana difaacanaya Sanoterada kala ah, Muuse Suudi Yalaxoow, Dr Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Naciimo Ibraahim, kuwaasoo ku fadhiyay kuraastaan Afartii sano ee la soo dhaafay.
27 Musharax ee ku tartami doona 8 kursi ee Maamulka Hir-Shabeelle ku matalaya Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.
1. Muuse Suudi Yalaxow
2. Cabdullahi Sheekh Xasan
3. Axmed Xasan Cadow Daaci
4. Dr. Xasan Cadaay Cali
1. Maxamed Amiiin Sheekh Cusmaan oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursigaan
2. Daaha Muhudiin Sheekh Daa’uud
3. Axmed Maxamed Cal (Afcadeey)
4. Yussuf Macallin Xasan (Filla-Dheere)
1. Maxamed Axmed Nuur (Tarsan)
2. Raage Xasan Cusmaan (Xuut))
3. Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)
1. Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun
2. Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)
1. Call Shacbaan Ibraahim
2. C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir
3. Cabdullahi Axmed Tawaad
4. Caasho Xuseen Abuukar
5. Cabdalle Cabdi Xuseen
1. Xasan lidow Muxumed Kobac
2. Cusmaan Axmed Macow
3. Cabdinuur Ibraahim Nuur
1. Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama
2. Sacdlya Yarrow Aadan
1. Nacimo Ibraahim Yuusuf
2. Zamzam Cabdullahi
Xuseen
3. Maxamed Macallin Xasan Kulmiye
4. Abuukar Xasan Call ( Maqaneey
Ammaanka Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana doorashada goobjoog ka noqon doona Xubno ka socda Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo xalinta khilaafaadka ee Soomaaliya.