Madaxweynaha Soomaaliya oo gudi qaran u saaray kiiska Ikraan Tahliil

0
534

Qoraal goordhow kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax oo horay uga tirsanayd hay’ada Sirdoonka qaranka Soomaaliya uu u Magacaabay Guddi Qaran oo baaritaan dhab ah ku sameeya.
Guddiga oo ka kooban Shan Xubnood ayaa waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxaana laga doonayaan inay soo saaraan warbixin dhamaystiran oo ku saabsan kiiska inantaan in ka badan labo bilood la waysan yahay.
Warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Agaasimaha NISA uu soo Magacaabayo Xubin kamid ah Guddiga, iyadoo dhanka kalena ay jiraan labe agaasime oo hay’ada sirdoonka qaranak Soomaaliyeed ee NISA ay u kala magacaabeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Guddigaan uu Madaxweyne Farmaajo u saaray Kiiska maaqnaanshaha Ikraan Tahliil ayaa kusoo aadaya ayadoo wali aan meel cad lagu sheegin halka ay gabadhaan ku danbaysay kadib markii 26 bishii lixaad ee sanadkaan la waayay.
Kali ah waxaa jirtay in war lagu qoray Boga rasmiga ah ee telefeshinka qaranka Soomaaliya 2 bishaan lagu sheegay in Ikraan ay AL-shabaab u gacangashay ayna dileen balse qoyskooda Ayaan arintaas ku gacan waxayna dhallisay kala aragti duwanaan siyaasiinta Soomaaliya.