Gudiga NCIC oo siyaasiiinta ka doonayo inay xeerar saxiixaan ka hor doorashada guud

0
515

Siyaasiinta dalka ayaa dhawaan saxiixi doona xeerka asluubta siyaasadeed ka hor doorashada guud ee wadanka si loo xakameeyo hadalada nacaybka ku salaysan sida ay sheegeen gudiga isdhexgalka iyo midaynta shacabka ee NCIC
Gudiga ayaa wacad ku maray inaysan u dulqaadan doonin hadalada nacaybka ku salaysan iyo hurinta colaadaha bulshada dhexdeeda ah inay sii socdaan ayagoo sare u qaaday talaabooyinka ka dhanka ah shaqsiyaadka danbiyada gaysta sidoo kalena ay hubinayaan in dadkaas laga horjoogsado qabashada jagooyinka bulshada loogu adeego ugu danbayntiina liiska madow lagu darayo.
Gudoomiyaha gudiga qaran ee isdhxgalka iyo midaynta shacabka NCIC Dr Samuel Kobia oo maanta warbahainta KBC la hadlay ayaa sheegay inay qaban doonaan doodo taxane ah ka hor bisha juun ee sanadka ayagoona la xisaabtami doona siyaasiinta hogaan raadiska ah.
dadaaladaan ayaa qayb ka ah qorshe howleedka gudiga ee ka hor doorasahada guud ee dalka ka dhacaysan Sanadka danbe ee 2021
musharaxiinta madaxweynenimo ayuu gudigu sheegay in laga filayo inay u hogaamsamaan hannaanka loogu magac daray Election Bila Noma’ iyagoo saxiixaya axdiga horseedaya waddada nabadda kana hortagaya hadalada nacayka ah iyo ficilada.
Gudigu NCIC ayaa raadinaya awood dheeraad ah waxayna doonayaan ciqaab adag oo loogu talagalay kuwa ku lugta yeesha kicinta dadweynaha iyo nacayka bulshada dhexdeeda ah ayadoo baarlamaanka loo marayo.
NCIC ayaa sheegtay in Dhaqanka hoose ee rabshaduhu soo jiray muddo dheer rabshaddaas oo aan ahayn mid jir ahaaneed balse hoos loogu dhigayo sharafka qof kale ayadoo lagu dhaliilayo dhinac kale oo uu ka tirsanyahay sidaasi darteedna ay ku talo jiraan in la helo dhabaha isku -duubnida qaranka oo ka caawinkara inay cabiraan isbeddelka dabeecadda marka la eego xallinta khilaafaadka siyaasadeed.
Mr Kobia ayaa sheegay inay la imaan doonaan halbeegyo lagu go’aaminayo musharaxiinta doorashooyinka wuxuuna hoosta ka xariiqay calaamadisay in baraha bulshadu ay yihiin caqabada ugu weyn ee wax ka qabashada hadalka nacaybka u baahan.