Rw Rooble oo amray inaan wax lacag ah laga bixin karin qasnada dowladda

0
371

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyay inaan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaano SDRS, iyadoo aan ogolaansho laga heeysan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Qoraal loo diray Wasaaradda Maaliyadda ayaa la faray in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda ay marka hore mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyaddu ogolaansho kaga helaan Ra’iisul Wasaaraha xukuumada.
Warka ka soo baxay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lyadoo laga ambaqaadayo marxaladda kala-guurka ee dalku marayo iyo baahida loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho hannaanka kharash-bixinta DFS iyo isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF ee looyagaan SRDs, Ra’isul Wasaaraha XFS uu farayo
Wasaaradda Maaliyadda ee ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto:
1. In aan la bixin karin wax kharash, noocii doono ha ahaadee. ilaa oggolaansho laga helo Ra’iisul Wasaaraha.
2. Mushaarka Ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, waa in marka ay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, oggolaansho ka helaan Rw XFS
inta aan la bixin wax lacag ah.
3. Wax lacag ah lagama soo qaadi karo qoondada DFS ee lacagta hay’adda IMF ee loo yaqaan SDRs iyadoo aan oggolaansho laga helin RW XFS.
4. Ma jirto wax kale oo iska beddelay shaqada hay’adaha dowladda ee warqaddani ku socoto.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Mas’uuliyiinta warqadda ay ku socoto inay amarkan sidiisa ugu dhaqmaan, waxaana amarkaan uu socon doonaa ilaa inta laga gudbayo xaaladda kala guurka ee dalku kujiro.
Amarkaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aadayaa xilli uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.