Wasiirka deegaanka oo baaq u diray waddamada gaaray horumarka dhaqaale

0
333

Wasiirka wasaaradda deegaanka ee dalka Mr. Keriako Tobiko ayaa dalalka hodonka ah ka codsaday inay taageeraan barnaamijyada ay dowladda Kenya kula tacaalayso isbeddelka ku yimaada cimillada.
Tobiko ayaa xusay in wadamada ku horumaray dhanka warshadaha ay boqolkiiba 80 mas’uul ka yihiin waxyaabaha sunta ah ee wax u dhimo deegaanka iyo cimillada.
Xilli uu wasiir Tobiko shir kaga qayb galay dalka Netherlands, ayuu sheegay in dalalka hodonka ah aynan ka go’anayn inay dowladaha saboolka ah garab ku siiyaan wax ka qabashada caqabadaha dhanka deegaanka.
Waxaa uu ku celceliyay in si loogu guulaysto la tacaalidda isbeddelka cimillada ay lagama maarmaan tahay in dhaqaale badan loo huro arrinkan.