Beesha caalamka oo ku baaqday in si deg deg ah lagu xalliyo khilaafka doorashada

0
818

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban kasoo saaray kualankii Maanta Wakiillada Beesha Caalamka ay Madaxtooyada kula yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Qoraalka ayaa waxa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen taageerada la siiyo Soomaaliya iyo in si deg-deg ah lagu xalliyo khilaafka ka taagan doorashada.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaa sharaf u ahayd inuu ka mid noqdo saaxiibbada kale ee caalamka ee maanta kulanka la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ kulanka ayaa looga hadlay taageerada muddada dheer ee la siinayo Soomaaliya iyo sidoo kale in si deg-deg ah lagu xalliyo khilaafka ka taagan doorashada.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maalmahaan siyaabo kala duwan ula kulmayay saamileyda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya si xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka.