Midowga musharrixiinta oo soo dhaweeyay heshiiska Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi

0
465

Kadib markii Maanta ay heshiis la xiriira dhanka doorashada Magaalada Muqdisho ay ku gaareen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed & Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa waxaa heshiiska ka hadlay oo soo dhaweeyay Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.
Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyey heshiiska ay gaareen siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi iyo RW xigeenka Mudane Mahdi Guuleed.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhaweeyay heshiiska, waxaana uu sheegay in uu aad u bogaadinayo heshiiska ay gaareen siyaasiyiinta Gobollada Woqooyi ee ku aaddan in si mideysan loo wajaho Doorashooyinka dalka meelna la iska dhigo wax kasta oo abuuri kara qilaaf sii ragaadiya doorashada.
”Waxaa amaan mudan sida ay iyagoo madax bannaan xal uga gaareen mugdigii ka dhex jiray arrimaha doorashooyinka ee Gobollada Woqooyi, waxaan si gaar ah ugu amaanayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisulwasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare kaalinta ay ka qaateen xalka maanta laga gaaray qilaafka doorasho ee ka dhex jiray siyaasiyiinta Gobollada Woqooyo ayuu yiri” Xasan Cali Kheyre.
Sidoo kale dadka soo dhaweeyay Heshiiska ayaa waxaa kamid ah Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kana mid ah Midowga Musharixiinta, wuxuuna u rajeeyay inay heshiiskaas dhaqan geliyaan.