Mw Somaliland oo aqbalay is casilaadda Baashe Cawil, magacaabisna sameeyay

0
574

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay Is-casilaad uu u soo gudbiyey Wasiirkii ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibbada Somaliland Baashe Cawil Cumar oo khamiistii lasoo dhaafay xilkaas loo magacaabay.
Madaxweyne Biixi Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Istiqaalada Wasiirkii ku-xigeenkii Arrimaha Dibbada Somaliland Baashe Cawil Cumar uu isku casilaayay ay soo gaartay, isla markaana uu ka aqbalay.
Muuse Biixi Cabdi ayaa Baashe Cawil Cumar uga mahadceliyay muddadii koobneyd ee uu xilka haayay iyo howlihii kale ee uu u qabtay Somaliland, waxaana sababta uu isku Casilay Baashe lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta Saluug xilka loo dhiibay.
Dhinka kale Madaxweynaha Somaliland oo Wareegto uu soo saaray ayaa waxaa uu xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibbada Somaliland ugu magacaabay Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble oo beddelaya Baashe Cawil Cumar.