DHAGEYSO:Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo hay’adda NISA ku eedeeyay dilka Ikraan Tahliil

0
549

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ka hadlay dilkii hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ay xalay shaacisay in loo geystay Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd Hay’addasi ayaa eedaymo u jeediyay madaxda hay’adda NISA iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa u tacsiyadeeyay Ehellada Ikraan Tahliil, waxaana uu sheegay in Hay’adda NISA Afartii sano ee la soo dhaafay ay dhibaatooyin badan dalka ka gaysatay, sidoo kalena Ikraan tahliil loo dilay xog ay ka heeysay hoggaanka Hay’adda NISA sida uu hadalkiisa kuu sheegay C/raxmaan C/shakuur.
Waxaa uu intaa ku daray in Nidaamka Hay’adda NISA uu yahay mid shacabka lagu caburiyo.
Ugu dambeyn hogaamiyaha xisbiga wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay inuu xilka ka qaado Taliyaha Hay’adda NISA sidoo kale uu guddi u saaro kiiska Ikraan Tahliil uuna qaado talaabooyin kala oo looga hortaggayo qoddobo uu sheegay inay dowladnimada Soomaaliya halis ku yihiin.