Yaa dilay gabadhii la la’a ee ka tirsaneyd hay’adda NISA?

0
622

Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo ahayd gabar ka tirsan hay’adda oo la la’a tan iyo 26-kii bishiiLixaad ee sanadkan
Ikraan ayaa muuqaal la duubay 26-kii bishii Lixaad wuxuu muujinayey inay gaari ka raacday gurigeeda oo ku dhow xarunta NISA ee Muqdisho, waxaana horay waalidkeed ay u sheegeen inay wateen dad ka tirsan hay’adda.
“HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday ka dib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay kooxda Al-Shabaab, ka ddibna ay dileen,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya.
Qoraalka ayaa intaas ku daray “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay hay’adaha ay khuseyso.
Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan qoyskeeda.
Kooxda Al-Shabaab weli kama hadal warka kasoo baxay NISA ee lagu sheegay inay dileen Ikraan.