Haweenay ismaamulka Siaya loo dilay digaag darteeda

0
484

Haweeney 35 sano jir ah ayaa waxaa six un u jir dilay dad caraysan oo ku nool Bondo, ee ismamaulka Siaya ka dib markii ay ku eedeeyan inay ka dambaysay xatooyada ilaa 21 digaag ah kuwaas oo laga dhacay tuulada Onyata ‘B’ oo ku taal xaafadda Bar-Kowino.
Haweeneyda oo magaceeda lagu sheegay Eunice Akoth ayaa la sheegay in la qabtay iyadoo sidata mid ka mid ah digaagadaha oo la xaday xalay, ka hor inta aysan dadka tuulada oo careysan bilaabeen inay garaacaan taas oo keentay in dhaawaci soo gaaray ay u dhimato.
Haweenaydan ayaa sido kale lagu soo waramaya in markii six un loo garaacay ka dibna la gubay.
Meydka haweeneyda ayaa la geeyay qeybta meydadka la dhigo ee Isbitaalka Bondo iyadoo baaritaannada dhacdan ku aadan ay socdaan.