Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo sabti ah waxaa la filayaa in Xarunta Madaxtooyada uu kulan kula qaato Wakiillada Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+.
Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa sida uu qorshahu yahay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka xooggan ee weli ka taagan qabsoomida doorashadii horey loogu heshiiyay ee ka dhaceysa Soomaaliya.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay u gudbin doonaan Madaxweyne Farmaajo, farriimo ku aadan sidii loo xallin lahaa muranka hareeyay doorashada iyo Arrimo kale oo la xiriira maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Beesha Caalamka oo shalay Qoraal wadajir ah soo saaray ayey kusoo dhaweeyeen magacaabista Guddiyada doorashada heer dowlad Goboleed ee Puntland iyo Jubbaland, xili dowladda Federaalka ay sharci darro ku tilmaamtay magacaabista Guddiyada.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay shirka deg dega ah ay ku baaqeen labada maamul inay isugu yimaadan Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada, si xal buuxa looga gaaro muranka doorashada, kaasi oo lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulamo is-daba joog ah la yeeshay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka, isagoona kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa muranka taagan, la iskuna keeni lahaa dhinacyada khilaafsan.