Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayaan dagaal degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig AMISOM ku leeyihiin deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalkaas uu khasaare kala duwan kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaananka lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay sheegayaan in Ciidamada AMISOM ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo AL-shabaab ka dhan ah.