DHAGEYSO:Xubin laf-dhabar u ahaa Dacwada Bada Soomaaliya oo geeriyooday

0
440

Allah ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Injineer Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa guddiga dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Injineer Saalixi oo ahaa khabiir aqoon dheer u leh cilmiga badda, ahaana la taliyihii arrimaha badda ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa wuxuu Cabdiraxmaan Aaden Cusmaan oo ay soo wadashaqeeyeen uu bartiisa Facebook ku soo qoray inuu ahaa shakhsiga kaliya ee Soomaaliga ah ee ku takhasusay arrimaha qalfoof badeedka ee Continental Shelf.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Injineer Salixi uu ahaa shaqsi aad u dhowrsan, Af-gaaban, aamin ah, howsha uu hayana si taxadar leh u guta sidoo kale uu ahaa shaqsi aanan ismuujin ama ku faanin howsha adag ee uu qaranka u haayay.
Injineer Saalixi ayaa sidoo kale ahaa ninkii xifdiyay keydka macluumaadka iyo xogta badda Soomaaliya markii ay dhaceen dagaallada sokeeye sidoo kalena ay burburtay dowladii shexe ee Soomaaliyeed, waxaana intii ay socotay dacwadda badda lagu ammaanay xifdinta macluumaadkaasi.
Allah ha u naxariiste Injineer Saalixi ayaa sidoo kale intii ay socotay dacwada badda Soomaaliya iyo Kenya wuxuu socdaal ku maray waddamada Mareykanka, dalalka Yurub iyo Africa, isagoo qurbajoogta Soomaaliyeed xog iyo warbixin ka siiyay badda Soomaaliya, wuxuuna ahaa ninkii soo jeediyay hadalkii gunaanadka ahaa ee Soomaaliya ee gabagabada doodda labada dal ee maxkamadda ICJ.
Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ahaa madaxda ergada Soomaaliya ee dacwada badda ayaa ka tacisiyeeyay geerida marxuumka, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa “laf-dhabar dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya”, isla markaana dalkiisa ugu soo shaqeeyay si hagar la’aan ah.
Dhanka kale waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ee caasiamda Soomaaliya ku geeriyooday fanaankii caanka ahaa ee hobolada qaranka Soomaaliyeed ee Waabari Maxamed Aadan Shamuuri waxaana ka tacsiyadeeyay Masuuliyiin dowlada ka tirsan abwaano iyo fanaaniiin Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux ayaa tacsi u diray ehelka Fanaanka Geeriyooday iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale Maxamed Aadan Shamuuri waxa uu fanka ku biiray dabayaaqadii sanadihii 1970-meeyadii, Geerida fannaanka iyo kaalintii uu ku lahaa hoballada Waabari ayaa Xili uu VOA-da la ahdlay waxaa ka hadlay Fannaan Maxamed Xasan Barrow oo ay isku xilli wada bilaabeen fanka oo ku sugan magaalada Muqdisho .