Ruto oo ku gacan seyray in Matiang’i su’aallo laga weydiiyo ciidamadii la kala beddelay

0
900

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka waxaa uu arrin aan loo baahneyn ku sheegay in baarlamaanka uu u yeero wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i si uu uga jawaabo isbeddel dhawaan lagu sameeyay ciidamada ilaaliya hooygiisa .
Ruto ayaa xusay inay khalad tahay in golaha qaran ee xeer dejinta ama aqalka sare wakhti looga lumiyo arrin aan muhiim ahayn.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei uu gudbiyay dacwad uu ku doonayo in Matiang’i uu faahfaahiyo sida ay ku timid in hooyga madaxweyne ku xigeenka dalka ee xaafadda Karen laga qaado ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da oo lagu beddelay booliska maamulka qaabilsan ee AP-da.
Senatarka ayaa xubnaha aqalka sare oo fasax ku jira ka codsaday inay fadhi gaar ah ka yeeshan arrintaan, loona yeero wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Fred Matiangi, taliyaha guud ee ciidamada booliska wadanka Hillary Mutyambai , taliyaha ilaalada madaxtooyada iyo taliyaha qaybta adeegga guud si loo ogaado faahfaahinta arrintaan.
Mr. Cherargei ayaa doonaya in afartaas xubnood ay ka soo muuqdaan fadhiga gaarka ah ee xubnaha aqalka sare maalinka Khamiista si ay sharraxaad uga bixiyaan arrinta muranka dhalisay ee amniga madaxweyne ku xigeenka la xiriirta.