Kooxda Taliban oo ugu baaqday xirfadlayaasha inaysan Afganistan ka bixin

0
437
FILE PHOTO: Taliban spokesman Zabihullah Mujahid speaks during a news conference in Kabul, Afghanistan August 17, 2021. REUTERS/Stringer

Talibanka ayaa Talaadada maanta ah ku boorriyay dadka reer Afqaanistaan ee xirfadda leh inaysan ka cararin dalka, maaddaama hoggaamiyeyaasha cusub ee Afghanistan ay uga digeen Mareykanka iyo xulafadiisa NATO inaysan aqbali doonin in la kordhiyo waqtiga kama dambaysta ah ee daadgureynta – xitaa sida waddamada reer Galbeedka ay sheegeen in waqtigu sii dhammaanayo.
Afhayeen u hadlay kooxda Taliban ayaa u sheegay Ameerika inay joojiso qaadista ama daadgureynta “khubarada Afgaanistaan” sida injineerada iyo dhakhaatiirta dalka
Dhinaca kale Madaxa xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobey Michelle Bachelet ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda dalka Afghanistan iyo sida uu ururka Taalibaan ula dhaqmaya haweenka.
Waxaa ay kooxda Taalibaan ku boorrisay inay dhowraan ballanqaadyadii ahaa in la ixtiraamo xuquuqda haweenka iyo gabdhaha.
Ms. Michelle Bachelet ayaa hadalkan ka sheegtay fadhigii gaarka ahaa ee golaha xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay oo diiradda lagu saaray xaaladda Afghanistan.
Dhanka kale, qiyaastii 16,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay wadanka Afghanistan 24 -kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.