Al-Shabaab oo weerar qarax ku bilowday ku qaaday deegaanka Camaara

0
594

Wararka laga helayo gobolka Mudug ee Soomaaliya ayaa sheegaya in magaalada Cammaara uu ka dhacay dagaal culus kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerarreen saldhigyo ciidamada dawladdu ku lahaayeen halkaasi.
Dagaalka kooxda Al-Shabaab ku qaaday Cammaara ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray oo lagu dhuftay xerada, dabadeed waxa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac.
Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo weriyay inkastoo tirro rasmi ah aan la shaacin.
War ka soo baxay Al-Shabaab waxay ku sheegeen inay dagaalka ku dilleen askar badan, isla markaana ay ku qabsadeen dhawr iyo tobaan gaari oo ah kuwa dagaalka .
Illaa hadda ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Sida laga soo xigtay wakaaladda warrarka u faafisa dawladda Soomaaliya ciidamada dawladda ayaa iska caabiyay weerarka Al-shabaab ku qaadeen Cammaara.
Ciidamada Dawladda ayaa qabsaday Cammaara horraantii bishan, iyagoo kala wareegay Al-Shabaab.