DHAGEYSO:Madaxda maamul goboleedyada iyo musharraxiinta oo magacaabay guddi tabashooyinka xallinaya

0
408

Madaxda maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa oggolaaday in laga wada hadlo qodobada ay cabashada xooggan ka keeneen midowga Musharixiinta, kuwaasoo kujira go’aanadii maalin ka hor kasoo baxay Shirkii Golaha wadatashiga Qaran.
Midowga Musharxiiinta & Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa iska soo dhex saaray Guddiyo min Saddex Xubnood ah, kuwaasoo Maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho arrimahaana ka wada hadlaya.
Guddiyada ayaa waxaa ay kala yihiin, Saddex Xubnood oo ka socda Midowga Musharixiinta oo kala ah, C/raxmaan C/shakuur, Shariif Xasan iyo Daahir Maxamuud Geelle, halka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka socdaan Saciid Deni, C/casiis Lafta Gareen iyo Axmed Qoorqoor.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in kulanka looga hadli doono qodobada ay cabashada ka qabeen, sida Arrinta soo xulida ee Ergada ee odayaasha dhaqanka, kaalinta Bulshada rayidka iyo arrinta hubinta Ergada ee Hey’adda dambi baarista CID iyo qidmadaha tartamayaasha iyo ergada.

Midowga Musharixiinta ayaa shalay kasoo horjeestay habraaca doorashada Aqalka Hoose ee kasoo baxay Golaha wadatashiga Qaran, iyaga oo sheegay in wixii ay ka diideen Farmaajo aysan ka aqbaleyn dad kale.