DHAGEYSO:William Ruto oo doonaya in diiradda la saaro barnaamijyada horumarka

0
429

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ku sugnaa ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka ayaa sheegay in la joogo xilligii xoogga la saari lahaa fulinta qorshayaashii horumarineed ee maamulka Jubilee.
Ruto waxaa xusay in maadaama geeddisocodkii sharci beddelka ee BBI oo sida uu hadalka u dhigay lagu mashquulay ay meesha ka saareen maxkamadaha wadanka loo baahan yahay in sare loo qaado mashaariicda horumarineed.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay arrimaha wax soo saarka, adeegyada guriyeynta , la tacaalidda cunno yarida iyo caafimaadka oo uu xusay in Jubilee ay ku howlanayd ka hor qorshaha BBI.
Ku xigeenka madaxweynaha ayaa doonaya in dhaqaalihii loogu talagalay in wax looga beddelo xeerarka wadanka u degsan loo weeciyo dhinaca horumarka.
Sidoo kale waxaa uu xildhibaanada baarlamaanka ka codsaday inay ansaxiyaan isbeddello lagu sameeyay xeerarka caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.

William Ruto ayaa dhanka kale siyaasiyiinta mucaaradka ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ku boorriyay in aynan mashquulin oo ay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta fursad u siiyaan inuu shacabka u adeego.
Waxaa uu madaxda siyaasadeed kula taliyay inay la yimadaan qorsho ay ka dhaadhicin karaan kenyaanka si ay ugu guulaystaan hoggaanka wadanka sanadka 2022-ka.