Maxaa diiradda lagu soo saari shirka golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya?

0
583

Sida uu qorshuhu yahay waxa maanta lagu wadaa in uu si rasmi ah xarunta Afisyoone uu uga furmo Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo uu isugu yeeray Ra’isul Wasaare MaxamAd Xuseen Rooble.
Shirkaan ayaa looga arrinsan doonaa howlaha dhameystirka doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.
Waxaa shirkan kawada qaybgalaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Dhammaan Madaxda maamulada ayaa ku sugan Muqdisho marka laga reebo Madaxweynaha Puntland oo lagu wado in uu soo gaaro Saacaddaha soo socda caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Shirkaan ayaa la aaminsan yahay in dooda ugu badan ee hareyn doontaa in noqon doonto habraaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.