DHAGEYSO:Galmudug oo soo saartay sharciga Ilaalinta deegaanka

0
309

Shir looga hadlayay dhibaatooyinka deegaanka lagu hayo oo ay ka qayb galeen masuuliyiinta ugu Saraysa Maamulka Galmudug ayaa Waxaa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.
Shirka ayaa ku soo aaday Saxiixa iyo dhamaystirka Sharciga Ilaalinta deegaanka Galmudug oo ay horay u soo saartay wasaarada deegaanka sidoo kalena uu saxiixay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye qoor qoor.
Wasiirka deegaanka Maamulka Galmudug Senetor Siciid Siyaad Shirwac ayaa sheegay in sharcigan ilaalada deegaanka la dhaqangalinayo si loo soo afjaro dabargoynta deegaanka ayadoo loo marayo hay’ada loo xilsaaray fulintiisa oo ay ka mid yihiin ciidamada amaanka iyo waxyaha garsoorka.
Xeer ilaaliyaha maamulka Galmudug iyo gudoomiyaha maxkamda maamulkaas ayaa dhankooda hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedaha ilaalinta deegaanka.

Ugu danbayntii madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye qoor qoor oo u mahadceliyay masuuliyiinta wasaarda deegaanka isbadalka cimilada iyo hormarinta reer miyiga ee maamulka Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in dhaqan galinta sharcigaan ilaalinta deegaanku uu gacmaha ka xiri doono kuwa ku howlan ee caadaystay xaalufinta dhirta.

Arintaan ayaa waxay ku soo aadaysaa ayadoo masuuliyiinta maamulka Galmudug ay sheegeen inay bilooyinkii la soo dhaafay ku howlanaayeen sidii lagu heli lahaa goobo gaar ah oo duurjoogta lagu xanaaneeyo ayadoo dhirta laga ilaalinayo in dhuxul laga shido waxayna marar badan wasaarada deegaanka Galmudug qaybisay agabyo looga maarmayo isticmaalka dhuxusha oo qoysaska qaar si bilaash ah lagu siiyay.