Wafdi dowlada Dhexe ka socda oo gaaray gobolka Gedo

0
589

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxay Maanta gaareen degmada Dooloow ee gobolka Gedo, iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Warfaafinta iyo saraakiil ciidan, waxayna halkaas kula kulmeen Maamulka degmada Doolow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmadaas.
Wafdiga ayaa u sii gudbay dhinaca degmada Beled-Xaawo ee gobolka gedo, iyagoo halkaasi u tegaya qiimeynta khasaaraha gaaray dadka shacabka, maadaama ay degmada Beledxaawo ku dagaalameen Ciidamada dowladda & kuwa uu hogaaminayo C/rashiid Janaan
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Beled-Xaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayay la kulmi doonaan wafdigaan, iyagoo sidoo kale booqan doona saldhigyada Ciidamada dowladda ee degmada Beled-Xaawo iyo fariisimada kale ee Ciidamada Xooggu ku leeyihiin Duleedka degmadaaasi.
Xubnaha wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo ayaa booqasho ugu tegay qoysaska ay ehelladooda waxyeeladu kasoo gaartay dagaalkii ka dhacay degmada Beled-Xaawo, iyagoo uga tacsiyadeeyay dadkii uga dhintay.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo & mas’uuliyiinta kale ee ku sugan degmadaas ayaa waxay warbixin siiyeen Wasiirada ka socda dowladda Federaalka waxayna sheegeen inay shacabka gobolkaasi dhibaato kala kulmaan Ciidamo ay tilmaameen in la soo abaabulo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Ehellada dadkii ku dhintay madaafiicdii ku dhacday Beled-Xaawo, Wuxuuna ku eedeeyay Kenya.
Wasiir Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in dadkii lahaa in aysan jirin Jabhad ay soo abaabushay dowlad shishiiye la doonayo inay yimaadaan Beled-Xaawo oo ah halka ay dhibaatadu ka dhacday.
25-kii Bishaan ayaa waxaa xilli habeen ah degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda & kuwa Wasiirka Amniga Jubbaland, waxaana dagaalkaas ku dhintay dad badan oo Shacab ah halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.